Kuwa kuu dhow

Dulmiga iyo rabshada la xiriirta sharaf-ilaalinta marar dhif ah ayay saameeyaan hal qof oo qoys katirsan, reer ama koox kale oo la mid ah. Sharaf-ilaalintu waxa ay ku faafsan tahay jiritaan kasta sidaa daraadeedna si un ayey u saameysaa dhammaan xubnaha katirsan koox.

Ilaali caruuurta kunool agagaarkaaga

Waalid ahaan ama qaraabo dhaw ahaan, adiga ayaa masuul ka ah ilmaha kugu dhow ee aagaaga. Cidna maku khasbi karto ilmo ama qof qaan gaar ah in uu guursado. Sido kale waa sharci darro in uu qof qaan gaar ah oggolaado guursiga ilma yar.

Looma ogola ilmaha in ay guursadaan gudaha Iswiidhan, haddii uu ilmaha doonayo iyo haddii kalaba. Waa sharci darro in laguursadaa ilmo. Sido kale waa sharci darro ku khasbida qof qaan gaar ah in uu guursado asaga ama ayada oonan doonaynin. Xadgudubkan waxaa loo yaqaan guurka khasabka ah.  Sido kale, cidna looma ogola in ay soo dhoofiyaan ilmo ama qof wayn si loogu guuriyo. Waxay kamid tahay xadgudubyada loo yaqaan safarka guurka qiyaanada ah.

Gudaha Iswiidhan, gudniinka fircooniga ah sidoo kale waa ka mamnuuc. Sidoo kale waa mamnuuc in ilmo loo safriyo dibadda si loogu sameeyo gudniinka fircooniga ah.

Lagasoo bilaabo Juun 1, 2022, tacaddiga laxiriira sharaf ilaalinta waxaa loo aqoonsaday in uu yahay danbi marki sharciga loo eego.  Xadgudubyada nidaamaysan waxa hada loo ciqaabi karaa sida tacaddiyada sharfta laxiriirta hadii loogu kacay ujeedo sharaf-ilaalin, taasoo natiijo u ah danbiga cusub.

Waxaa jira waxyaabo aad sameyn karto si aad u caawiso oo u taageerto canug ama dhalinyaro qaangaar ah ee aad oga shakiso in loo geysto ama khatar ugu jiro in loo geysto dulmiga iyo rabshada la xiriirta sharaf-ilaalinta. Waxaad haysata taageerada sharciga. Laxiriir shakhsi kamid ah adeegayaasha bulshada ama booliska kana codso caawinaad.

Lahadal ilmaha iyo dhalinyarada qaangaarka ah

Haddii aad uga shakiso ilmo ama kuwa qaangaarka ah in loo geysto dulmiga iyo rabshada la xiriirta sharaf-ilaalinta, waxaa laga yaabaa in aad aragto in ay adagtahay wareysigooda. Hase yeeshee, aad ayay muhiim u tahay, adiga qof wayn ka ahaan in aad yeelato kartida aad su’aalo kuweydiiso kuna dhageysato marka uu ilmuhu ama dhalinyarada qaangaarka ah go’aansadaan inay kula hadlaan. Kuwan soo socdo waa qaar kamid ah waxyaabaha larabo in aad maskaxda kuhayso marka aad waraysanayso ilmo ama dhalinyarada qaangaarka ah.

  • Weydii su'aalo furan.
  • Dhageyso jawaabaha.
  • Kasoo billow qisada ilmaha ama qofka da’da yar.
  • Iskuday in aad la socoto aadna ahaato taageere wax kasta oo laguu sheegaba.

Tusi ilmaha in aad dhagaysanayso adigoo u badalaya qaabka hadalkaaga midka uu ilmaha kuhadlayo, khaasatan markii ay tahay galmada, aqoonsiga, iyo jinsiyada.  Tusaale ahaan, waa in aad isticmaashaa magac u yaalka uu qofka dhibanaha ah adeegsado marka uu asaga iska hadlayo. Waxa ay fududeyn kartaa in ilmaha uu sir baxo uuna sheego sirtiisa ama sirteeda.

Markii looga shakiyo dulmiga iyo rabshada la xiriirta sharaf-ilaalinta, waa caqli wanaagsan in laga wardoono,

  • Miyey jiraan wax aan laguu ogalayn in aad samayso oo aad jeclaan lahayd?
  • Miyey jiraan wax lagugu waajibiyay in aad samayso oo aadan samayn lahayn?

Su'aalaha dheeriga ah ee ka caawinaya ilmaha ama qofka da’da yar in ay kahadlaan xaaladooda waa in laweydiiyaa kadib su’aalaha hore.

Muhiim ah in la xasuusnaado

Xasuusnow in aadan ku khasbin shakhsiga in uu hadlo haddii uusan dooneynin. Haddii ilmo ama dhalinyarada qaangaarka ah dareemo in la cadaadinayo, gabi ahaanba dib ayey u guran karaan.

Waxaad noqon kartaa caawiye

Carruurta iyo dhalinyarada qaangaarka ah ee kunool meel sharaf la ilaalsho waxa ay kujiraan boos khatar ah. Waxa ay kutiirsan yihiin qoysaskooda, gaar ahaan waalidkood ama kuwa masuulka ka ah, ka ilma ahaan. Haddii ilmo guriga loogu geysto dulmiga iyo rabshada la xiriirta sharaf-ilaalinta, waxa laga yaaba in loo baahdo in loo wado meel kale ama xiriirka qoyskiisa laga jaro, ugu yaraan muddo cayiman. Intaa kadibna, ka qaraabo ahaan, waxaad noqon kartaa kheyraad qiimo u leh ilmaha ama dhalinyarada qaangaarka ah.

Isla marka canuga nugul laga wado guriga uu halista dhibaataynta iyo tacddiyada ka wajahayey, waxa uu ubaahan karaa nabadgelin iyo degenaan, laakiin muddo kadib, rabitaankiisa iyo baahida uu u qabo qoyskiisa ayaa laga yaaba in ay u muhiimsanaato. Waa muhim in uu ilmaha ama qofka qaangaarku uu lakulmo xubin qoyska kaliya haddii si nabad ah loo qabanqaabin karo.  Tusaale ahaan, kulan u dhexeeya dhibanaha qoyskiisa iyo isaga laftiisa waa in uusan sheegin ciwaanka mesha uu hada dhibanaha uu kunoool yahay, laga yaabo in markale dib loo dhibaateeyo.

Markii qof dulman rabo in uu lakulmo qoyskiisa, adeegayaasha bulshada ayaa caawin kara, laakiin macquul manoqonayso in lasoo dhameystiro rabitaanka ilmaha ama qofka qaangaarka ah. Inta lagu guda jiro mudada uusan lakulmi karin qoyskiisa, waxaad u noqon kartaa taageero muhiim ah shakhsiga nugul.

Waxa ay tahay inaad ka fikirto

Marka aad ooga shakiso ilmo ama qof yar e kunool agagaarkaaga in lagula kacay dulmiga iyo rabshada la xiriirta sharaf-ilaalinta, waa muhiim in aad u sheegto in aad ku aragtay habdhaqano muujinaya in aysan xaalkoodu wanaagsaneyn. Weydii shakhsiga sida uu yahay una muuji daneyn sababtoo ah waxaad aragtay in aysan u muuqan in ay wanaagsan yihiin.

Waa muhiim in aad dhisto aadna kasbato aaminaada ilmaha ama qof qaangaarka ah. Waxaad tani kaga soo bixi kartaa inaad dhagaysato xaadirna u ahaato shakhsiga. Qof wayn ka ahaan, waxaad ubaahan tahay in aad tallaabo qaado si aad u ilaaliso ilmaha, sida in aad u soo gudbiso walaacaaga qeybta adeegga bulshada.

Iska ilaali inaad sawirato xaalada uu ku sugan yahay canuga ama qofka yar. Isaga laftigiisa qisada hakuu sheego, afkiisa iyo karaankiisa. Haku degdegin gunaanadka kusaabsan sida uu canugu dareemi karo ama inaad qiimeyso macluumaadka lagu siiyey. Had iyo jeer ku bilow qisada canuga iyo sida uu usoo bandhigayo dareenkiisa.

Muuji in aad diyaar u tahay oo aad awood u leedahay in aad dhegeysato waxa canuga ama dhalinyarada qaangaarka ah uu leeyahay, iskana ilaali in aad ku degdegto xal u helida. Waa muhiim in qofka qisada ka sheekeynayo uu dareemo in la maqlo iyo in adiga, ka dhageyste ahaan, aad fahamto oo aadna awood u yeelato inaad la tacaasho waxa aad maqasho. Helitaanka xal lagu caawiyo dhibbanaha ayaa u dambeyneysa.

Soo koob sida aad u fahantay waxa aad maqashay oo weydii haddii aad si sax ah u fahantay. Marki aad haysato faham wadaagista xaalada, waxaad usii gudbi kartaa kahadlitaanka tillaabooyinka xiga. Xusuusnow in ay muhiim tahay in canuga ama qofka qaangaarka ah uu awoodyeesho kaqeybqaadashada iyo helitaanka xogta waxa socda, tusaale ahaan haddii walaac aad kaqabto arrinta aad u gudbiso qeybta adeegyada bulshada.

Wehel u noqo canuga ama qofka qaangaarka ah haddii ay rabaan inay kaqeybqaataan waxqabadyada taageerada ah. Liiska meelaha lagala xiriirayo oo ka kooban waxqabadyo taageero ah oo kala duwan ayaa ku yaal xagga hoose ee boggan.

Filim kusaabsan dulmiga iyo rabshada la xiriirta sharaf-ilaalinta (ku qoran Af-Iswiidhish)

Devin Rexvid waa bare sare iyo cilmi baare oo wax ka dhiga Jaamacada Stockholm. Filimkan dhexdiisa, waxa uu ku qeexayaa waxa ay yihiin dulmiga iyo rabshada la xiriirta sharaf-ilaalinta, waxa ay ka koobnaan karaan, iyo sida ay isu muujin karaan. Waxa uu sidoo kale kahadlayaa taageerada iyo caawinta loo heli karo dadka nugul.

10,34

Waxqabadyada taageerada ah

Waxaa jira ururo badan oo taageera bixiya oo aqoon iyo khibrad u leh dulmiga iyo rabshada la xiriirta sharaf-ilaalinta. Waxaa hoos ku qoran liiska xarumaha qaabilaada ee aad u gudbin karto shakhsiyaadka nugul si ay u helaan taageerada iyo caawinta lagama maarmaanka u ah. Qof qaraabo ama saaxiib dhow la ah shakhsiga nugul ka ahaan, waxaad sidoo kale kaqeybqaadan kartaa tiro kamid ah waxqabadyada taageerada ah.

Maamulka booliska

Maamulka booliska waxa uu baaritaan ku sameeyaa dambiyada lasoo sheegay marka ay soo gaaraan warbixintooda. Haddii aad ubaahato qof aad kala hadasho wixi aad soo martay, waxa ay sidoo kale kuu gudbin karaan waxqabadyo dheeraad ah. Booliisku waxa uu kusiin karaa magangalyo haddii laguugu hanjabo ama laguu geysto xadgudub.

Adeegyada bulshada

Adeegga bulshada ee degmo kasta ayaa mas'uul ka ah caawinta iyo taageerada dhibanayaasha dembiyada iyo qoysaskooda. Waxaa hoos kuqoran lifaaqa webseedka Degmooyinka iyo Gobolada Iswiidhan, halkaas oo ay kujiraan macluumaadka lagala xiriirayo degmadaada.

Khadka caawinta dhibbanaha dembiga

Xarunta caawinta dhibbanaha dembiga waa urur aan macaash doon ahayn oo taageera dhibanayaasha dhammaan noocyada dembiyada.

Xarunta Qaabilaada ee Linnamottagningen

Xarunta Qaabilaada ee Linnamottagningen waa xarun qaabilaad oo loogu talagalay dhalinyarada qaangaarka ah ee loo geystay dulmiga iyo rabshada la xiriirta sharaf-ilaalinta ama qof loo guuriyey ama halis ugu jira in qof aysan rabin loo guuriyo. Xarunta qaabilaada waxay ku siin kartaa caawimo si degdeg ah iyo mustaqbalka fog labadaba. Xarunta qaabilaada waxay leedahay labadaba LGBTQI iyo karti dhaqameed. Xarunta Qaabilaada ee Linnamottagningen waxay sidoo kale talo siin kartaa xirfadlayaasha la kulma dadka nugul. Xarunta Qaabilaada waxay leedahay telifoonka degdega ah ee qaranka.

Hoyga dumarka iyo gabdhaha ee Somaya

Hoyga dumarka iyo gabdhaha ee Somaya waa urur aan macaash doon ahayn oo caawiya gabdhaha, haweenka, iyo shakhsiyaadka LGBTQI ee asalkoodu yahay ajnabi ee la kulma rabshadaha lammaane ee soke ama ku nool deegaan ixtiraam leh. Hawlagallada luuqadaha badan leh ee Somaya waxaa kamid ah khadka caawinta, wada sheekeysiga taageerada ah, deganaanshaha la ilaaliyo, iyo xarunta waxqabadka. Shaqaaluhu waxay khibrad dheer u leeyihiin caawinta dadka u baahan in la ilaaliyo kana baxsado dulmiga iyo rabshada.

Terrafem

Terrafem waa urur aan macaash doon ahayn oo u dooda xorriyada gabdhaha iyo haweenka ee ay kaga xoroobaan tacadiga ragga. Terrafem waxa ay ku shaqeeyaan khadka caawinta oo loogu talagalay gabdhaha iyo haweenka kasoo jeeda wadamada ajinabiga ah waxa ayna xiriir la leeyihiin shakhsiyaadka danyarta ah ee kasoo kala jeeda wadamo iyo luuqado kala duwan. Intaa waxaa dheer, Terrafem waxa ay ka shaqeysaa adeegga wicitaanka ee sharciga ah iyo adeegga wicitaanka haweenka.

Xarunta Qaabilaada RFSL Stödmottagning

Xarunta Qaabilaada RFSL Stödmottagning waxay u qabataa waxqabadyo taageero ah dadka LGBTQ ee la kulmay dhibaataynta, hanjabaadaha, iyo rabshadaha. Qaraabada iyo asxaabta shakhsiyaadka LGBTQ ee rabshada wata, iyo sidoo kale xirfadlayaasha soogalaya dadka la beegsanayo, ayaa la soo dhaweynayaa. La xiriiridda taageerada xarunta qaabilaada waa mid bilaash ah, waana suuragal inaad isqariso.

Qeybta wada sheekeysiga ee Jaceylku waa xor

Rädda Barnen waxay maamushaa wada sheekaysi taageero ah oo lagu magacaabo Jaceylku waa xor. Wada sheekeysiga waxaa loogu talagalay carruurta iyo dhalinyarada raadinaya taageero iyo hagitaan ku saabsan arrimo kala duwan oo la xiriira sharaf-ilaalinta. Wada sheekeysiga waxaa maamula shakhsiyaad aanan macaash-doon ahayn. Halkan, carruurta iyo dhallinyarada qaangaarka ah waxay soo jeedin karaan su'aalo ku saabsan xuquuqda, dulmiga iyo rabshada la xiriirta sharaf-ilaalinta, xaddidaadda iyo guurka khasabka ah, iyo mowduucyo kale.

Xuquuqda haweenka ee bulshada dhexdeeda, TRIS

TRIS waa urur aanan macaash doon ahayn oo la dagaalama dulmiga iyo rabshada la xiriirta sharaf-ilaalinta. TRIS waxa uu kaalmo siiyaa dadka waaweyn iyo sidoo kale carruurta iyo dhalinyarada qaangaarka ah ee loo geystay ama khatarta ugu jira dulmiga iyo rabshada la xiriirta sharaf-ilaalinta. Ururka TRIS, waxa ay ku takhasuseen dabooliddda baahiyaha carruurta iyo dhalinyarada qaangaarka ah ee cagliga naafada ka ah. TRIS, waxa ay ku shaqeeyaan taleefanka caawinta, khadka caawinta ee TRIS, iyo adeegyo kale. Ururku waxa uu sidoo kale shakhsiyaadka nugul uu siin karaa degenaansho ama ilaalin kumeelgaar ah.

Khadka caawinta GAPF

Ururka Qaranka ee Waligaa Ha Ilaawin Pela iyo Fadime, GAPF, ayaa taageero iyo talo ku bixiya khadka caawinta. Waa ay furan yihiin 24/7, sanadka oo dhan. Dadka nugul, iyo sidoo kale qaraabada iyo xirfadlayaasha, waxay caawimaad ka raadsan karaan khadka caawinta. Xarunta caawinta waxaa ka shaqeeya shakhsiyaad caadeystay la macaamilka shakhsiyaadka loo geystay arrimaha sharaf-ilaalinta. Wicitaanka khadka caawinta waa bilaash, waad isqarin kartaa, shqaalaha taageeradana waxaa ay masuuliyad ka saaran tahay qarsoonaanta sirta.

Macluumaad dheeraad ah

Bishi Juun 2022, waxaa la bilaabay olole xog-ogaaleed oo qaran oo ku saabsan qaab-dhismeedka sharciga iyo agabka lagula dagaalamayo dulmiga iyo rabshada la xiriirta sharaf-ilaalinta. Dadka bartilmaameedka ah waxaa kamid ah carruurta iyo dhallinyarada qaangaarka ee nugul, iyo sidoo kale qoysaskooda iyo asxaabtooda, iyo sidoo kale xirfadlayaasha la shaqeeya carruurta iyo dhallinyarada qaangaarka ah. Waxa ku qoran waxaa lagala soo dagi karaa hedersfortryck.se waxaana laga gali karaa kanaalo iyo aalado kala duwan. Ololaha ayaa lagu arki karaa baraha bulshada, boorarka dhijitaalka ah, iyo gaadiidka dadweynaha ee magaalooyinka waaweyn.