Dhamaan falalka galmooyinka waa in eey ahaadaan rabitaan madaxbannaan
Xasuuso in dadka dhan xaq u leeyihiin in eey is beddelaan. Wax micna ahna kuma fadhiso wixii hore u soo dhacay ama qofkii bilaabay. Waa dembi in fal galmo ah lala sii wado qof aanan doonayn. Oggolaansho haa ah oo ku aadan nooc sugan oo fal galmo ah micnaheedu ma ahan taasi in eey khuseeydo falal kale oo galmo ah.